Home Wararka Caalamka Gudiga Midowga Yurub oo Ansixiyay maanta Talaalka Pfizer / Biontech

Gudiga Midowga Yurub oo Ansixiyay maanta Talaalka Pfizer / Biontech

0
Foto/TT

Komishanka Yurub ayaa ansixiyay tallaalka Pfizer’s / Biontech ee covid-19, taas oo macnaheedu yahay in talaalada la filayo in la bilaabo maalmaha shaqada, 27 Diseembar.

Goor sii horreysay maanta, Hay’adda Dawooyinka ee Yurub ayaa sidoo kale siisay ogolaanshaha cagaaran ee tallaalka.

Himilada Midowga Yurub waa in ugu yaraan 70% ka mid ah 450 milyan ee deggen Midowga in la tallaalo.

Dowlada Badankooda ayaana durba shaaciyay xiliyada la bilaabayo Talaalka taasi oo muhiim u ah nololsha aadanaha oo ku jira xaalad adag.

Sweden ayaa dhankeeda soo bandhigtay xiliyada talaalka uu gaarayo Gobolada Dalka Halka Germalka uu shaaciyay in uu ka hor waqtiga loogu tala galay uu bilaabayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here