Home Wararka Maanta Sweden oo bilaabeysa Talaalka Cusub ee Corona Maalinta Axada ee Soo Socota

Sweden oo bilaabeysa Talaalka Cusub ee Corona Maalinta Axada ee Soo Socota

0
Foto Fredrik Sandberg / TT

Wasiirka arrimaha bulshada, Lina Hallingrin, ayaa ku dhawaaqday in Sweden ay bilaabi doonto talaalka ka hortaga Corona Axada soo socota.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee la keeno tallaal qiyaastiisu tahay 10,000″ qiyaasood,” Hallenegrin ayaa sidaa ku sheegtay shir jaraa’id maanta. Inta lagu jiro usbuuca Sannadka Cusub, 80,000 qiyaas in ay imaanayaan. Waxaa jiri doona qiyaas intaasi lamid ah oo sanadkasta imaaneysa.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha, Johan Carlson, ayaa yidhi, “Ujeeddadu waa in la siiyo tallaal dhammaan dadka waaweyn inta lagu gudajiro nuska hore ee sannadka 2021-ka,” isagoo raaciyay, “Waxay qaadan doontaa illaa saddex bilood in la tallaalo kooxda mudnaanta koowaad leh, oo ay ku jiraan illaa 600 kun oo qof.” Muddada waa la gaabin karaa waxyar haddii tallaalo badan la oggolaado.

Madaxa daryeelka caafimaadka ee ururka gobolada iyo degmooyinka, Marie Morrell, ayaa xaqiijisay in gobaladu hada isku diyaarinayaan inay sameeyaan talaal deg deg ah oo nabdoon.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here