Home Wararka Maanta Booliska Norway oo toogasho ku dilay nin ku noolaa magaalada Bergen

Booliska Norway oo toogasho ku dilay nin ku noolaa magaalada Bergen

0
Foto/VG

Booliska magaalada Bergen ayaa shaaciyay in nin 30 sano jir ah kuna noolaa magaalada Bergen ay toogasho ku dileen habeenimadii xalay.

Sida ay warbixintooda ku cadeeyeen booliska ninka ayaa ku hubeysnaa mindi taasi oo keentay in la toogto markii loogu tagay gurigiisa oo ku yaalla Ibsens gate i Bergen.

Taliyaha Booliska Bergen Kaare Songstad oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Booliska ay gaareen goobta isla markana ugu tageen ninkaasi oo sita mindi kadibna sidaasi lagu toogtay.

Booliska ayaa intaasi ku daray in ay bilaabayaan baaritaan la xiriira Falka dhacay iyo sababta keentay in ninkaasi uu weerar kaga horyimaado booliska.

Bishii Sebtember, 39-jir Tor Henning Dalen ayaa dhintay ka dib markii ay toogteen boolisku intii uu socday hawlgal ay booliisku ka wadeen Bolkesjø oo ku yaal Telemark. Waxana markii danbe la sheegay in uu qabay cudurka dhimirka. 

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here