Home Wararka Caalamka Ingariiska oo rikoor cusub dhigay maanta 36,804 kun Kiisas Cusub oo Corona...

Ingariiska oo rikoor cusub dhigay maanta 36,804 kun Kiisas Cusub oo Corona ah

0
Foto: Jil Yngland / NTB

Boqortooyada Ingiriiska ayaa maanta dhigtay rikoor cusub oo cudurka ah iyadoo 36,804 kiis oo cusub oo la xaqiijiyey oo ah infekshanka corona 24-kii saac ee la soo dhaafay .

Waa kororkii ugu sarreeyay ee dalka soo mara inta cudurku socdo oo dhan.

691 ayaa infekshinka u dhintay 24-kii saac ee la soo dhaafay. sida ay muujinayaan tirooyin ay soo saareen hay’adaha caafimaadka ee Ingiriiska sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wadarta tirada dhimashada ee dalka ayaa si rasmi ah u noqotay 68,307.

Tirada infekshannada iyo tirada dhimashada labaduba waa koror aad u weyn marka la barbardhigo maalintii ka horreysay, xiligaasi oo lasoo bandhigay 33,000 oo kiisas cusub oo infekshan ah iyo 215 dhimasho ah.

Ingiriiska iyo gaar ahaan koonfurta England waxaa saameeyey nooc cusub oo ah coronavirus. Khubaro Ingiriis ah ayaa ku qiyaasaya in qiyaastii boqolkiiba 70 ay sii faafayaan noocyada Cusub.

Somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here