Home News in English Sweden oo Sharciyo Cusub iyo Xayiraada dheeri ah soo saartay goor dhow...

Sweden oo Sharciyo Cusub iyo Xayiraada dheeri ah soo saartay goor dhow (Afar Qof oo kulmi kara)

0

Dowlada Sweden ayaa maanta soo saartay Sharciyo Cusub

Laga bilaabo 24-ka bishan diseembar oo ku beegan maalinta ciidda Kirismaska ayey bilaaban doonaan xayiraado hor leh oo dawladdu soo bandhigtay, kuwaasina oo looga hortegeyo faafidda fayruska corona.

1.Tirada dadka kulmi kara oo lagu ekeeyey 4 qof halka ay horey uga ahayd siddeed qof.

2. Iibinta khamriga oo ugu dambeeyn maqaayadaha lagu iibin karo siddeedda fiidnimo (20:00), halka ay horey uga ahayd tobanka fiidnimo (10:00).

3. Tiro go’an oo lagu soo rogey goobaha jimicsiga iyo ganacsiga oo haddii loo hoggaansami waayo dhammaan albaabbada a isugu dhufan doono.

4. Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Iswiidhan waxay ku talineysaa in marada Afka loo isticmaalo gaadiidka dadweynaha xilliyada qaarkood.

5. Dugsiyada sare ee waxbarashada ayaa  lagu dhigandoona guryaha illaa iyo 24-ka bisha jannaayo 2021.

6. In dhammaan la xiro goobaha dawliga ah oo ey gacanta ku hayaan degmooyinka iyo gobolladu illaa iyo 24-ka bisha jannaayo 2021. Waxaa ka mid ah: Goobaha dabaasha, goobaha ciyaaraha, madxafyada iyo wixii la mid ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here