Home Wararka Caalamka Mareykanka oo bilaabay qaaditaanka Qaxootiga Somalida ee ku sugan Wadamo ay Masar...

Mareykanka oo bilaabay qaaditaanka Qaxootiga Somalida ee ku sugan Wadamo ay Masar ku jirto

0

kadib doorashadii lagu doortay Joe Biden waxaa dib u furtay qaxootiga loo qaadayo Dalka Mareykanka ee horay u heestay go’anka la xiriiro in loo qaadayo mareykanka lakin uu hakiyay Madaxweynihii Talada ka dagay ee Donald Trump.

Goobaha iyo Wadamada laga bilaabay waxaa kamid ah Masar iyo Kenya iyadoo dadka ku sugan Dalalkan Qaarkood lasoo wacay loona sheegay in mudo kooban heestaan si loo qaado isla markana tagaan xaruumo dhoor ah loo tilmaamay.

Sida Somaliska ku heshay xog muhiim ah dadka lala soo xiriiray ayaa isbuucaan loo qaaday Dalka Mareykanka iyago raacay dhoor duulimaad oo kala duwan.

Gudaha Wadanka Mareykanka waxaa bilowday dhaq-dhaqaaqi caadig ah ee dhanka Qaxootiga iyadoo xaruumaha ka shaqeeya dhanka Qaxootiga ay bilaabeen shaqooyinkooda.

Dalka Kenya ayaa kamid ah meelaha laga dareemay in dib u bilowdeen dib u qaadista Qaxootiga la geenayo Mareykanka inkastoo ay jiraan culees dhanka duulimaadka ah.

Somaliska Nairobi

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here