Home Wararka Maanta Xaalada Isbitaalada Sweden oo sii adkaaneysa Xili ay kordheen tirada Dadka u...

Xaalada Isbitaalada Sweden oo sii adkaaneysa Xili ay kordheen tirada Dadka u dhintay Corona

0

Dowlada ayaa maanta soo bandhigtay ku dhawaad 100 qof oo u dhintay Corona marka la eego tirada lagu dhawaaqya shalay waxana tirada guud ee dhimashada ay ka dhigantahay 7,993 Qof.

Tirada Dadka uu ku dhacay Corona ayaa aad u korortay ilaa shalay waxana la diiwaangaliyay 9,654 Qof iyadoo tirada guud ay mareyso 365,12 Qof sida ay warbixinteeda ku shaacisay hay’ada Caafimaadka ee Dowlada,

ku dhawaad 3,713 Qof ayaa la dhigay qeebaha Deg Dega ee wadanka,

Thomas Linden oo ah Agaasimaha u diyaar garowga xaalada Deg dega ah ayaa shalay warbaahinta u sheegay in isbitaalada wadanka ay ku jiraan Xaalad adag.

Dowlada ayaa dhanka kale waxay wadaa baaritaan xoogan oo la xiriira xanuunka iyadoo dadka la baaray isbuucan oo kaliya 17% kamid ah laga helay xanuunka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here