Home Wararka Caalamka Germalka oo dhameestiray dib u dejinta Qaxooti uu kasoo qaaday Giriiga

Germalka oo dhameestiray dib u dejinta Qaxooti uu kasoo qaaday Giriiga

0

Barnaamijka dib u dejinta ee Giriigga iyo Jarmalka ee loogu talagalay carruurta qaxootiga ah ee xaaladaha caafimaad ee halista ah iyo qoysaskooda ayaa la dhammaystiray, bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasaaradda socdaalka iyo magangelyada iyo safaaradda Jarmalka ee Athens sida lagu sheegay war kasoo baxay labada dhinac.

Jarmalku wuxuu aqoonsan yahay “dadaalada nidaamsan ee Griiga, ee ah xuduuda hore ee EU,” si wax ku ool ah loogu maareeyo caqabada joogtada ah ee qulqulka muhaajiriinta, ayaa lagu yiri bayaanka. 

Giriiggu wuxuu uga mahadcelinayaa Jarmalka kaalmadiisa joogtada ah ee wax ku oolka ah, waxayna ugu yeertay “tusaalihii taageerada iyo isku duubnida ee dhammaan dalalka Midowga Yurub.”

Isaga oo ka hadlaya bayaanka wadajirka ah, Wasiirka Socdaalka & Magangalyada Giorgos Koumoutsakos ayaa sheegay in ilaa 1,024 qof guud ahaan (oo ay ku jiraan 612 caruur ah) loo raray Jarmalka oo laga soo raray Griiga.

Somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here