Home Wararka Maanta Norway oo war kasoo saartay dib u celinta Mustafe Hassan

Norway oo war kasoo saartay dib u celinta Mustafe Hassan

0
Photo/Mustafamusic.no

War kasoo baxay Hay’ada UDI ee arimaha Socdaalka u qaabilsan Norway ayaa lagu sheegay in Dib loo dhigay dib u celinta Mustafe Hassan oo ah wiil 18 sano jir ah kaasi oo dhawaan waalidkiisa dib loogu celiyay Dalka Urdun.

Sheekada Mustafe ayaa gudaha Norway iyo warbaahinta aad u hadal hayaan bishii u danbeesay kadib markii Qeybta socdaalka ku amartay in dalka laga tarxiilo sababo la xiriiro in uu kasoo jeedo Dalka Urdun iyadoo sheekada lagu heesto ay tahay qalad ay gashay hooyadii.

28 bishan December ayaa loo qorsheeyay in dib loogu celiyo dalkiisa lakin waxaa mar kale loo dhigay dib iyadoo laga dhigay 28 bisha January ee sanadka danbe.

Mustafe ayaa yimid wadanka isagoo 6 sano jir ah waxana dhawaan laga reebay waalidkiisa sababo la xiriira in uusan qaan gaarin.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here