Home Wararka Maanta Wasiirka Maaliyada Sweden oo sheegtay in taageero dheeri ah loo fidinayo shirkadaha...

Wasiirka Maaliyada Sweden oo sheegtay in taageero dheeri ah loo fidinayo shirkadaha Ganacsiga

0
Foto: Jonas Ekstromer / TT

Wasiirka Maaliyada Magdalena Andersson waxay shaacisay inay jiri doonaan taageero cusub oo loo fidiyo shirkadaha, laakiin ma rabto inay sheegto goorta iyo nooca taageerada ay noqonayso.

Dowlada ayaa shalay ku dhawaaqday xayiraad dheeri ah, oo ay kujirto mamnuucida aalkolada 8da fiidnimo iyo shuruud looga dhigayo iibinta maalinta bartamaha..

“Waxaan awoodi doonnaa inaan kula soo laabanno farriimo cusub isla marka aan dhammeyno,” ayay tiri Magdalena Andersson.

Dowlada Sweden ayaa horay u caawisay shirkaha wadanka ka dhisan kuwaasi oo soo wajahday xaalad dhaqaale oo ka dhalatay Corona.

Shirkadaha ayaana dhibaato kale kala kulmaya sharciyada dowlada soo saartay dhawaan kuwaasi oo keeni kara in ay waayaan dad wax ka iibsada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here