Home Wararka Caalamka Sweden oo Shaacisay Waqtiga la Bilaabayo Kaalmada Korontada

Sweden oo Shaacisay Waqtiga la Bilaabayo Kaalmada Korontada

0
Foto: TT

Dowlada Sweden ayaa Maanta Ku dhawaaqday Goorta ka Bilaabayo Lacagta Kaalmada ee Korontada Madama Heerka Korontada ee Dalka Tahay Mid Khaali ah qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Shir Jaraa’id oo Dowlada u Qabatay Saxaafada ayay ku Sheegtay in Bisha Febraayo ee Sanadka Danbe la Bilaabayo Kaalmada Korontada ee hore loo balan-qaaday.

Lacagta Kaalmada Waxaa Helidoona Dadka ku nool Koonfurta Dalka Sweden waxana lagu Cabiridoonaa Korontada aad soo saartay Sanadkii Hore Sida Dowlada Ku Sheegtay Shirka Jaraa’id.

Sidee Ku Heli Kartaa Lacagta

looma Baahna inaad Dalbato Kacagta Kaalmada waxay si toos ah uga Imaandoontaa Qasanada Ceymiska ee Dowlada.

Xisbiyada Dowlada Cusub ayaa Ololahooda Doorashada ku Balanqaaday inay Dadka Ka Caawindoonaan Qiimaha  Korontada ee Qaaliga Ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here