Home Wararka Caalamka Norway iyo Jarmalka oo raba iskaashiga NATO si loo sugo kaabayaasha muhiimka...

Norway iyo Jarmalka oo raba iskaashiga NATO si loo sugo kaabayaasha muhiimka ah

0
Foto: Javad Parsa / NTB

Norway iyo Jarmalka ayaa raba xarun NATO ah oo la socon doonta kaabayaasha biyaha hoostooda sida dhuumaha gaaska.

Ra’iisul Wasaaraha Jonas Gahr Støre (Ap) iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa isku raacay in ay soo jeedinayaan in NATO ay sameyso xarun lagu xoojiyo ilaalinta kaabayaasha tamarta hoosteeda.

Yurub iyo Jarmalka ayaa gebi ahaanba ku tiirsan gaaska Norway kadib markii Ruushku jaray gaaskii uu siin jiray Yurub. Noorway waxay kordhisay wax soo saarka gaaska waxayna ka qayb qaadatay in wadamada Yurub ay awoodaan inay buuxiyaan kaydka gaaska ka hor jiilaalka.

Waa muhiim xag dhaqaale iyo xag amniba, in la ilaaliyo gaaska Norway ee Yurub. Sidaa darteed, Norway, oo ay weheliso xulafadeeda, ayaa hirgelisay dhawr tilaabo oo lagu ilaalinayo gaaska. Weli waxa loo baahan yahay in wax badan la qabto oo la isu keeno awoodaha rayidka iyo ciidamada, ayuu yidhi Støre.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here