Home Wararka Caalamka Magdalena Andersson oo Sheegtay in Ulf Kristersson uu been u Sheegay Shacabka...

Magdalena Andersson oo Sheegtay in Ulf Kristersson uu been u Sheegay Shacabka Sweden

0
Foto: Fredrik Sandberg/TT

Raisal Wasaarihii hore ee Sweden Magdalena Ardersson ayaa eedeyn u jeedisay Raisal wasaaraha Cusub Ulf Kristersson oo ku aadan balan-qaadyo uu sameeyay Xiliga Doorashada.

Magdalena ayaa sheegtay in Ulf uu been u sheegay Shacabka Sweden madama uu balan-qaad uu sameeyay xiliga Doorashada oo ku aadanaa kabka Lacagta Korontada.

Ulf Kristersson ayaa warbixin uu u diray Joornaalka Dagens Nyheter ku sheegay in Xisbigiisa uu bilaabayo Kabka Koronada 1 November hadii la doorto Xisbigiisa.

iyadoo ka hadleysa Balan-qaadka ayay sheegtay in Shacabka Sweden uu u sheegay balan-qaad iyo been.

Xisbiga laga guuleestay ayaa hore u sheegay in uu isha ku heyndoono Dowlada Cusub iyo Howlaheeda Shaqo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here