Home Wararka Maanta Sweden oo ogolaaneysa isku imaatinka Dadka iyo Daawashada Ciyaaraha

Sweden oo ogolaaneysa isku imaatinka Dadka iyo Daawashada Ciyaaraha

0

Sweden ayaa la filayaa in ay furto isku imaatinka dadka sida goobaha Xafladaha iyo Ciyaaraha kuwaasi oo saaran Xayiraad ka dhalatay Xanuunka Corona go’anka oo la filayo in lagu dhawaaqo isbuuca danbe ayaa salka ku hayaa kadib markii Xanuunka Corona uu hoos uga dhacay Wadanka.

Wasiirada Ciyaaraha ayaa maanta kulan la qaadatay Ururada u dhaq dhaqaaqa ciyaaraha si ay ugala hadasho qaabka ugu fudud ee taageerayaasha loogu ogolaan kara daawaashada kubada cagta ee garoomada.

Sidoo kale shalay ayay wasiirada sheegay in macquul tahay ogolaanshaha dadka isku imaada oo hada la ogolyahay 50 iyo wixii ka yar.

Sweden ayaa la filayaa in ay xiyaaradaha saaran wadanka badankooda ay qaado taasi oo sababta ugu weyn tahay xanuunka Corona oo hoos ugu dhacay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here