Home Wararka Maanta Stefan löfven ” Dowlada Waxay ka shaqeneysa in Dadka ku laabtaan Shaqooyinkooda”

Stefan löfven ” Dowlada Waxay ka shaqeneysa in Dadka ku laabtaan Shaqooyinkooda”

0

iyadoo xanuunka corona uu kasii dhamaanayo wadanka Sweden ayuu Raisal wasaaraha Wadanka ka hadlay Xaalada Dhaqaale ee ka dhalatay shaqo la’anta ku dhacday dad badan oo sweden ah waxana uu sheegay in dad badan ay ku laabanayaan shaqooyinkooda.

Stefan oo bartiiisa soo dhigay Qoraal uu kaga hadlayo arimo badan ayaa ugu muhiimsaneyd sida Dowlada Sweden u abuureyso Shaqooyin cusub isla markana dad badan dhawaan loo shaqo galinayo.

” Waxaan sameendoonaa maalgalin aan ku abuureeno shaqooyin cusub Sweden dib uma laabandoonton waxaan ka dhigidoonaa mid xoogan dhanka dhaqaalaha ” ayuu ku soo qoray bartiisa.

Warbixino dhawaan lasoo saaray ayaa muujinaya in dhaqaalaha Sweden uu aad hoos ugu dhacay taariikhda mudo laga joogo 40 sano oo sidaan oo kale ay dhacday.

Hadalka Raisal wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo Xaalada Corona ee wadanka uu hoos u dhacay isla markana la filayo in dib u furmaan shaqooyinka wadanka badankooda ee ku xirmay Xaalada Corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here