Home Wararka Maanta Kiisaska Corona ee maanta laga diiwaangaliyay Dalka Sweden oo lasoo bandhigay

Kiisaska Corona ee maanta laga diiwaangaliyay Dalka Sweden oo lasoo bandhigay

0

Hoos u dhaca dhimashada Corona ee Sweden ayaa wali halkeeda ka sii socota waxaan maanta la diiwaan galiyay dhimashada 6 Qof oo kaliya taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 5766 qof oo xanuunka Corona ugu dhintay Sida ay Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ku shaacisay shirkeeda maanta.

Hay’ada ayaa sidoo kalw Xaqiijisay 427 qof oo qaaday Xanuunka Corona mudada 24 saac ee lasoo dhaafay waxana taasi ka dhigantahay in tirada guud ay gaarto 81,967 qof.

Dadka uu ku dhacday Xanuunka maalmihii u danbeeyay ayaa lagu sheegay dhalinyarada u dhaxeysa 20 ilaa 29 sano jir.

dhanka kale waxaa hoos u dhacday Dadka la dhigo qeybta gar gaarka deg deg ah waxana tiradaasi ay mareysaa 2526 qof tan iyo marii xanuunka ka dilaacay wadanka.

guud ahaan Qaarada Yurub waxaa xanuunka qaaday 700 kun oo qof waana tirada ugu badan ee laga diiwaangaliyo qaarada.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here