Home Wararka Maanta Raisul wasaaraha Sweden oo ka hadlay Qaraxa ka dhacay Caasimada Berut

Raisul wasaaraha Sweden oo ka hadlay Qaraxa ka dhacay Caasimada Berut

0

Warbaahinta caalamka ayaa aad u tabineysa qaraxyadii xooganaa ee xalay ruxay magaalada Beyrut ee caasimada dalka Lubnaan, qaraxyadan ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Stefan Lofven ayaa ka hadlay Qaraxa ka dhacay Lebnan waxana uu sheegay in muragada la dareemayaan Dadka reer lubnaan isla markana diyaar layihiin Caawin iyo gargaar.

Madaxweynaha dalka Lubnaan Mishaal Cown ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaalay goobta uu qaraxyadu ka dhaceen.

Waxa uuna sheegay Madaxweynaha dalka Lubnaan in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababaha dhaliyay qaraxaasi khasaaraha xoogan gaarsiiyay, waxa uuna ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay isdejiyaan una gurmadaan dadka dhaawacmay.

Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Beyrut ayaa sababay dhimashada dad ka badan 78-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 4-kun oo qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan khasaaraha inta hada la ogyahay.

Bur burka dhismayaasha uu sababay qaraxan ayaa wali laga soo saarayaa dad ku hoos jira, waxaana xalay ilaa saakay kooxaha gurmadka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dad ku dhintay qaraxyada iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here