Home Wararka Caalamka Sweden oo Mar kale lagu Arkay Diyaarad aan Duuliye Laheyn Nawaaxiga Forsmark

Sweden oo Mar kale lagu Arkay Diyaarad aan Duuliye Laheyn Nawaaxiga Forsmark

0
Foto: Tomas Oneborg / SvD / TT

Booliska Sweden ayaa xalay fiidkii sheegay in ay heleen warbixin ku saabsan in ay arkeen diyaarad aan duuliye lahayn, oo mar kale dul heehaabaysay warshadda tamarta Nukliyeerka ee Forsmark.

Isla markiiba, helikobter booliis ah ayaa dulmartay hawada sare oo baadi goobaysay diyaaradda.

“Waxaan hubineynaa in diyaaraddu ay jirto iyo in kale,” Tobias Ahlin, oo ah afhayeenka booliiska, ayaa yiri, “Waxaanu joognaa goobta sababtoo ah xaqiiqda ah inaan helnay macluumaadka ku saabsan waxa ay noqon karto duulimaad aan duuliye lahayn oo ku wareegsan warshadda tamarta nukliyeerka. “

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay laba maalmood uun ka dib markii la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dul heehaabayaan xarumaha tamarta Nukliyeerka ee dalka Sweden.

Sirdoonka Sweden, Sabo, ayaa maanta ku dhawaaqay inay la wareegeen baaritaanka kiiskan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here