Home News in English Fanaanka Dree Low oo joojiyay Heesaha isagoo Codsaday in Heesihiisa la Tirtiro

Fanaanka Dree Low oo joojiyay Heesaha isagoo Codsaday in Heesihiisa la Tirtiro

0
Foto: Adam Ihse/TT

Fanaanka Dree Low oo Magaciisa oo dhameestiray yahay Saalax Cabdi Cabdulle ayaa Shaaciyay inuu ka fadhiistay Heesaha ama Muusikada.

Fanaanka oo Asal ahaan kasoo jeeda Somaliya ayaa qaaday Heeso badan oo lagu Luuqeeyay Afka Swedhiska Dad badan ayaana isweydiiyay Sababta Hesihiisa looga saaray dhanka Spoty iyo Youtube-ka.

Fanaanka Qudhiisa ayaa ka hadlay arintan isagoo Qoraal soo dhigay dhanka Instagram ka

“Waan iskaga tagay xirfadayda muusiga si aan diirada u saaro waxa ka wanaagsan. Waxaan sii wadi doonaa shaqadayda hal-abuurka ah laakiin siyaabo kale. Mahadsanid “, ayuu ku qoray sheeko Instagram ah.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii dhawr heesood oo uu lahaa laga waayay barta Youtube-ka. Laba maalmood ka dib, dhammaan albamkiisii ​​”Flawless” waa laga tirtiray Spotify. Heesta “Pippi”, oo lahayd in ka badan 60 milyan gigs, ayaa ka mid ahayd heesaha la waayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here