Home News in English Haweenka Uurka Leh oo Qasab lagu Dhaliyo iyagoo Waqtigooda Dhameysan Marka Corona...

Haweenka Uurka Leh oo Qasab lagu Dhaliyo iyagoo Waqtigooda Dhameysan Marka Corona uu ku dhaco

0
Foto: Janerik Henriksson/TT

Inta lagu jirey caabuq-sidaha Covid-19, in ka badan 50 haween ah oo uur leh oo la geeyey qaybta daryeelka deg degga ah ayaa khasab lagaga dhigay in la dhaliyo tiiyoo aanu sidkoodii go’in taasoo ay u sabab tahay inuu ku dhacay karoone ba’an, sida uu muujinayo tirakoob kasoo baxay machadka Karolinska Institutet.

Dr Karin Pettersson, waa dhakhtar sare oo dhanka dhalmada ah iyo barofesoorad wax ka dhigta Machadka Karolinska ee Huddinge ayaa arrintan ku sheegtay mid lagu sameeyo haweenka qaba Covid-19 ee daran, sida ay tiri.

Marka la eego diiwaanka uu haweenkan ka sameeyey Isbitaalka Karolinska Institutet waxaa ka muuqanaysa in 84 haween ihi ay u baahdeen in la dhigo qaybta dhalmada, waxaana khasab lagu dhaliyey 64% ka mid ah, taasoo ka dhigan ilaa 50 haween ah.

Waxaa Sweden sanad kasta ku dhasha celcelis ahaan 120,000 oo carruur ah, balse tirakoobkani ma sheegin inta dhalatay iyaga oo aan dhamays ahayn, sidoo kale lama cayimin inta haween ah oo aan tallaalayn markii uu Covid-ku ku dhacayey.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here