Home News in English Markab Dagaal oo laga leeyahay Ruushka oo lagu arkay Xeebaha Sweden

Markab Dagaal oo laga leeyahay Ruushka oo lagu arkay Xeebaha Sweden

0
Photo: Försvarsmakten

Markab ka socday millitariga Ruushka ayaa todobaadkii hore lagu arkay Badda Baaltigga ama Östersjön .

waa sida uu sheegay Mikael Claesson oo ah madaxa howlgallada wasaaradda gaashaandhigga Iswiidhan mar u saaka la hadlay laanta Ekot.

Dawladda Ruushka ayaa horay u soo jeedisay dhowr shuruud halkaa oo ay wadamada aan ka mid ahayn gaashaanbuurta NATO kaga cosanayaan in aaney ka mid noqonin.

Xaalada ayaa ah mid yara kacsan marka la eego Xadka Labada Dal iyadoo lagu arkayo Ciidamo ka tirsan Kuwa Sweden oo Halkaasi xaruumo ka sameestay.

Dhawaan wershada kuwa soo saara tamarta nukliyeerka ah lagu dul arkay daroon halkaa heehaabaya, iyadoo ay booliisku ku cayrsadeen dayuurad qumaati u kacda, balse markiiba waayey, sida ay sheegtay Petra Blomkvist, afhayeenka booliis-qaybeedka bartamaha dalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here