Home Wararka Caalamka Dugsiyada Xanaanada Stockholm oo ku dhow inay Xirmaan

Dugsiyada Xanaanada Stockholm oo ku dhow inay Xirmaan

0
Foto Janerik Henriksson / TT

Faafitaanka korona cusub ee isu-beddelay (Omicron), oo ay la socdaan hargab xilliyeedka ayaa dhibaatooyin u geystay dugsiyada xannaanada ee Stockholm.

Wargayska maxaliga ah ee Mitti Stockholm ayaa sheegay in laga yaabo in dugsiyada xanaanadu xidhmaan sababo la xidhiidha maqnaanshaha shaqaalaha oo aad u badan iyo dhibaatooyin ka kale

“Meelaha qaarkood, carruurta iyo shaqaaluhuba way xanuunsadaan, si ay u sii shaqeeyaan, laakiin meelaha kale cudurku wuu ku badan yahay shaqaalaha, oo tiro badan way adag tahay in ay sii shaqeeyaan,” ayay tiri Eva Brostrom, oo ah masuul ka tirsan dugsiga barbaarinta.

Xaaladdu waxay xoogaa dib u soo xasuuaineysaq sidii ay ahayd dayrtii 2020-ka, markaasoo mas’uuliyiinta dugsigu ay waalidiinta ka codsadeen inay carruurtooda ku hayaan guriga,” ayay raacisay.

Qiyaastii kala badh degmooyinka Stockholm ayaa la kulma caqabado waaweyn sababo la xiriira fasaxa xanuunka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here