Home News in English Maxamed: Go’an Adag ayaa qaatay si aan u helo Sharci Deganaansho oo...

Maxamed: Go’an Adag ayaa qaatay si aan u helo Sharci Deganaansho oo 8 Sano ah

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Kumanaan dad ah ayaa ku soo jabay dalka Sweden sanadkii 2015 markaasi oo Qaxooti badan soo galeen Qaaramada Yurub Dadka xiligaasi waxaa kamid ahaa Maxamed.

isla xiligaasi Dadka isdhiibay ayaa u qeyb samay labo qeyb qaar Sharciga helay iyo kuwa diidmo helay kuwa diidmada helay ayaa mar kale labo u kala qeyb samey kuwa wadanka iskaga tagay iyo kuwa wadanka iska joogay oo sanado kale sugay siday isku dhiibaan.

Maxamed Waxa uu kamid ahaa Dadka qaatay go’an adag oo ah inuu wadanka iskaga tago markii uu ogaaday inuu heesto diidmo ka timid Maxkamada oo laanta socdaalka ku raacday go’ankeeda.

Waqtigaasi ayuu safar dhulka ku tagay Dalka Faransiiska waxana durba laga cafiyay faraha wadanka Sweden isagoo sharciga ku helay mudo sanad ah.

Sida uu Somaliska la wadaagay Maxamed Waxa uu hada heystaa Deganaansho 8 sano ah iyo Shaqo uu galo xiliga Habeenki.

Waxa uu hadalkiisa ku soo afjaray waxaan qaatay go’an adag madama aan heysan qof i caawiya halka aan u socdo.

Somali badan ayaa ku sugan Dalka Sweden kuwaasi oo helay diidmo halkii ay nolol kale ka raadin lahaayeen Dal kale ayay doorbideen inay faraha tirsadaan oo sanado joogaan lakin arinta layaab ah ayaa ah in dad ay dalka ku soo dhaweeyeen inay sharci ku soo qaateen kadibna booqasho ugu yimaadeen halkan.

Sidee u aragtaa Sheekada Maxamed Mase aragtay dhacdadan oo kale

Dhanka Facebook nagula wadaag.

 

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here