Home News in English Sweden oo ku dhawaaqday Mamnuucista Safarada Norway ka imaanaya

Sweden oo ku dhawaaqday Mamnuucista Safarada Norway ka imaanaya

0
Photo/Swedish Interior Minister Michael Damberg TT

Wasiirka arrimaha gudaha ee Iswiidhan, Mikael Dampere, ayaa ku dhawaaqay mamnuucida ka soo gelitaanka Norway ee Sweden, iyadoo lala xiriirinayo kororka kiisaska nooca cusub ee fayraska Corona.

Wuxuu ku sheegay shirkiisa jaraa’id, ee uu qabtay galabta, in mamnuucida soo galitaanka la adeegsan doono laga bilaabo saqda dhexe oo ay dhaqan gali doonto ilaa iyo 14-ka Febraayo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xayiraada la kordhin karo hadii loo baahdo.

Dampery wuxuu intaas ku daray, in tallaabooyinka adag ee la qaaday iyo xiritaanka shalay ee Norway, ay kordhiyeen halista ciriiriga ee degmooyinka Sweden ee ku dhow soohdinta, sidaas darteedna halista fayraska is beddelay uu ku sii faafayo.

Xayiraada soo galitaanka ee Norway waxay u shaqeysaa si la mid ah sida ay u khuseyso waxa hada ka dhexeeyo Sweden iyo Denmark, tanina waxay ka dhigan tahay in xayiraada ay ku jiri doonto waxyaabo ka reeban dadka ku nool ama ku shaqeeya Sweden, iyo waliba shaqaalaha gaadiidka badeecadaha, iyo shaqaalaha kale ee qaybta gaadiidka, iyo sidoo kale Dadka Sweden uga soo gala Norway sababo “arrimo qoys oo deg deg ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here