Home News in English Caasimada Oslo iyo Degmooyinka u dhow oo la xiray guud ahaan (...

Caasimada Oslo iyo Degmooyinka u dhow oo la xiray guud ahaan ( Akhriso Sharciyada Cusub)

0

Norway waxay si awood ah u xirtay guud ahaan Caasimada Oslo Sababo la xiriira Coronaha Cusub waxana Sharciyada Cusub iyo Xiritaanka uu yahay mid Saameyn Xoogan leh.

Marka la eego goobo dhoor ah mooyee Dowlada waxay toos u xirtay guud ahaan wixii muhiimka ahaa.

Halkan Hoose ka Akhriso Xiritaanka Cusub ee Oslo

. Guud ahaan Sentarada Magaalada ayaa la xiray marka laga reebo goobaha muhiimka sida Shidaalka ,Farmashiiyaha iyo Dukaamada cuntada.

. iskuulada Caruurta ayaa feejignaan dheeri ah la galiyay si hadii loo baahdo loo xiro.

. Waxaa la xiray guud ahaan goolaha lagu caweeyo ee maqaayada marka laga reebo goobaha cuntada laga sii qaato.

. Guud ahaan Xaflada la qaban jiray ayaa la mamnuucay nuuc walo kuwa banaanka xataa marka lagu daro iyadoo laga reebay duugta ama aasitaanka.

. Guud ahaa Wixii Tareenin quseeyaya iyo Wixii madadaalo ku saabsanaa ayaa la xiray tusaale jiimamka ama shaneemooyinka.

. Guud ahaan goobaha cibaadada ayaa la xiray.

. Guryaha in lagu shaqeeyo ayaa la amray qof kasta oo awooda shirkadaha ayaa laga codsaday fududenta arintaasi.

. Waxbarashada ayaa laga codsaday in fogaanka lagu barto marka laga reebo waqtiyo qaar oo muhiim ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here