Home Wararka Maanta Magaalada Malmö oo lagu qabtay Dhalinyaro looga looga shakisan yahay dilka Dhakhtar...

Magaalada Malmö oo lagu qabtay Dhalinyaro looga looga shakisan yahay dilka Dhakhtar Caroline Hakim

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Booliska Sweden waxay xireen nin dhalinyaro ah (22 jir ah) oo looga shakisan yahay inuu gaystay dilkii Dhakhtar Caroline Hakim ee Malmö 26 Ogosto 2019. Sida uu sheegayo maanta SVT.

Kiiska ayaa ruxay aragtida dadweynaha Sweden, gaar ahaan tan iyo markii hooyada lagu dilay wadada iyadoo wadata ilmaheeda yar.

Subaxnimadii Isniinta, dacwad oogaha guud wuxuu go’aansaday in la xidho wiilka dhalinyarada ah oo lagu eedeeyay dil iyo dambiyo hub Dacwad ooge Lisa Opery ayaa sheegtay in eedeysanuhu uu soo jiitay booliska intii uu socday baaritaanka muddo dheer taasna waxaa cadeeyay cadeymaha.

Eedaysanuhu wuu diiday

Eedeysanaha waxaa loo wareejinayaa magaalada Malmö. Wuxuu diiday inuu wax dambi ah galay. Booliska ayaa daabacay sawirka tuhunka dilka , laakiin dacwad oogaha guud wuxuu sheegay in sawirka uusan muhiimad weyn u laheyn ninka dhalinyarada ah, laakiin wuxuu raaciyay, “Dhanka kale, waxaan helnay warbixino dhowr ah oo sheegaya in qofka ku jira sawirka wuxuu u egyahay qofka hada la xirayo. ”

Dacwad-ooguhu ma uusan shaacin nooca cadeymaha ay ka haysatay eedaysanaha sababo qarsoodi ah awgood.

Caroline Hakim ayaa ku sugneyd banaanka gurigeeda oo ku yaal wadada Sergel Street ee magaalada Malmö iyadoo wadata ilmaheeda oo jira afar bilood markii la tooganayay.

Eedeysane kale

Booliska ayaa xiray nin 24 sano jir ah oo lagu eedeeyay gacan siinta dilka, laakiin way sii daayeen laba bilood ka dib, ka hor inta aysan mar labaad xirin horraantii Oktoobar, ka dib markii ay soo baxeen macluumaad cusub.

Booliska ayaa ka faa’iideystay xogta la heli karo ka dib markii booliska Faransiiska iyo Yurubta ay jabsadeen taleefannada super-encrypted-ka ee ay adeegsadaan dambiilayaasha si ay ula xiriiraan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here