Home Wararka Maanta Erna Solberg ” Dadka ku nool Oslo waa in aysan u Bixin...

Erna Solberg ” Dadka ku nool Oslo waa in aysan u Bixin Gobolada kale ee Wadanka ”

0

Raiisel wasaare Erna Solberg (H) ayaa sheegtay in dadka noorwiijiga ah aan loo ogoleyn inay ka baxaan gobolka Oslo si ay u aadaan Gobolada hoose ee degmooyinka kale.

“Waa safar aan loo baahnayn xaaladdan,” Erna Solberg ayaa u sheegtay idaacadda Norwegian Broadcasting (NRK) markii ay la kulantay saxaafadda subaxnimadii Sabtida.

Waxay intaa ku dartay in dad badan ay aadeen Gobalada ka hor dhamaadka usbuuca, oo uu ku jiro mid ka mid ah wasiiradeeda, ka hor inta aysan maqal talaabooyinka cusub ee adag ee la soo bandhigay subaxnimadii Sabtida.

Solberg ayaa intaas ku dartay in machadka caafimaadka bulshada (FHI) iyo agaasinka caafimaadka ee Norwey ay si wada jir ah uga shaqeynayaan cusbooneysiinta qawaaniinta u degsan Gobolada Dariska

Sabtidii, tallaabooyin cusub ayaa lagu soo bandhigay gobolka Oslo, tii ugu adkayd tan iyo 12-kii Maarso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here