Home Wararka Maanta Sweden oo ku Dhawaaqday inay soo qaadeyso Haweenka IS ee ku sugan...

Sweden oo ku Dhawaaqday inay soo qaadeyso Haweenka IS ee ku sugan Suuriya

0
Foto: Sgt. Samuel Ruiz/AP, Anders Wiklund/TT

Dowlada Sweden ayaa shaacisay in Qaxooti Suuriyaan ah ay kasoo qaadeyso Dalka Suuriya Sida ay sheegay wasiirada Arimaha dibada Ann Linde.

Qaxootiga laga soo qaadayo Suuriya ayaa ka kooban Haawen iyo Caruur ka tirsan Kooxda IS oo ku jira kaam ku yaala halkaasi.

Wasiirada ayaa intaasi ku dartay in Tirada Haweenka laga soo qaadayo halkaasi ay gaarayaan 8 Haween iyo wali 16 caruur.

Ann Linde ayaa ka gaabsatay in faafaahin kale oo dheeri ah ka bixiso iyadoo sheegtay in la diyaariyay qorshaha lagu soo celin lahaa dadkaasi.

Hadalka Wasiirada ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Saddex Haweyn ah lagu xiray Arland halkaasi oo markii danbe la siidaayay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here