Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay Xanibaada Safarka ee Saaran Boqortooyada UK

Sweden oo kordhisay Xanibaada Safarka ee Saaran Boqortooyada UK

0
Foto: Matt Dunham/AP/TT

hakinta duulimaadka ee UK ayaa la kordhiyay illaa Sannadka Cusub. Go’aankaas waxaa lagu gaadhay kulan dheer oo ay dawladdu maanta yeelatay.

Si kastaba ha noqotee, xoogaa gargaar ah ayaa loo sameeyay dadka Britishka ah ee ku nool ama ka shaqeeya Sweden iyo muwaaddiniinta Denmark ee deggan Bornholm. 

Tani waxay sidoo kale khuseysaa ambalaaska iyo gaadiidka caafimaadka ama sababo gaar ah oo deg deg ah oo xagga qoyska ah, ayay wasiirka arrimaha dibedda Anna Hallberg u sheegtay Ekot.

Xayiraada Cusub ee UK ayaa mar kale la kordhin karaa sababo la xirira Xanuunka Coronaha Cusub ee UK laga helay.

Wadamo kale oo dheeraad ah ayaa sidaasi oo kale u shaaciyay in ay Xayireen Xadka ay la wadaagaan Boqortooyada UK.

Kiisaska Corona ee Sweden oo sii kordhaya

396,000 oo qof ayaa laga helay cudurka waddanka Sweden, tirada daryeelka degdegga ah ayaa sii kordheysa. dhowr gobol ayaana xaalada Walaac ka muujinaya. 

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here