Home Wararka Caalamka Dooni ay Saarnaayeen Somali kaliya oo ku dagtay Xeebaha dalka Giriiga (...

Dooni ay Saarnaayeen Somali kaliya oo ku dagtay Xeebaha dalka Giriiga ( qaar nolol lagu la’yahay )

0

Warar ay warbaahinta Somaliska ka heshay dhanka Dowlada Giriiga ayaa sheegaya in xeebaha Giriiga ay ku dagtay Dooni ay saarnaayeen duhaajiriin Somali ah.

Sida la xaqiijiyay ku dhawaad 24 Qof ayaa saarnaa doonta iyadoo guud ahaan dadkaasi bada ku qarqameen waxana soo badbaadiyay Ciidanka bada ee Turkiga iyo Giriiga.

inta lagu guda jira badbaadinta dadkaasi waxaa la helay 1 qof oo meyd ah iyadoo dadka intiisa kale nolol lagu soo badbaadiyay.

Qaar kamid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa sheegay in ay jiraan dhoor qof oo bada ku jira kuwaasi oo safarka qeyb kala ahaa.

Ciidanka bada ee labada dhinac ayaa wada baaritaan ku aadan dadka wali ku jira bada waxana shilkaasi uu dhacay iyado darawalka waday doonta uu si howli ah u kaxeeyay doontiisa xili bada yara kacsaneyd.

Turkiga ayaana Giriiga la wadaagay dhacdadaan taasi oo keentay in labada dhinac ay iskaashi ka sameeyeen xida xogta somaliska.com heleyso.

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here