Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay waqtiga helitaanka kaalmada dhaqaalaha ee dadka halista ugu jira...

Sweden oo kordhisay waqtiga helitaanka kaalmada dhaqaalaha ee dadka halista ugu jira Corona

0

kaalmada dhaqaalaha dadka halista ugu jira Corona ee aan ku shaqeyn karin guriga waa la dheereynayaa waxana laga dhigay ilaa sanadkan dhamaadkiisa. Tani waxaa xaqiijiyay Wasiirka Amniga Bulshada Ardalan Shekarabi (S) ee SVT.

 Photo Henrik Montgomery, TT

Toddobaad gudihiis, xaq u lahaanshaha kaalmada dadka ku jira kooxaha halista qaarkood ee aan ku shaqeyn karin guriga ayaa joogsan doonta, isla waqtigaasna cudurka faafa ee corona wuxuu umuuqdaa mid awood u leh inuu sii socdo si kastaba ha noqotee, SVT ayaa ku waramaya in ka kordhiyay mudada lagu helayo lacagta kaalmada.

Go’aanka waxaa lagu gaadhay shirkii khamiislaha ee dawlada, wuxuuna ka dhigan yahay in taageeradu ay sii jiri doonto ilaa 31ka Diseembar 2020. Waxay salka ku haysaa heshiis dhexmaray xisbiyada maamulka, Centerpartiet iyo Liberalka.

– Xaaladda dalku waa mid aan u baahanahay sii wadista kaalmooyinka si loo ilaaliyo kooxaha halista u ah xanuunka, ayuu SVT u sheegay wasiirka caymiska bulshada Ardalan Shekarabi (S).

– Waxaan bedelnaa shuruudaha waxaanna u fidineynaa kooxda kuwa heli kara kaalmada iyadoo la raacayo macluumaadka cusbooneysiinta ee Guddiga Caafimaadka iyo Daryeelka, ayuu yiri Ardalan Shekarabi

Dadka qaba Xanuunada halista waxaa kamidah , Hooyooyinka uurka leh iyo Dadka qaba Cudurada gaar ah nuuc kasta ee halista ugu jira in ay dhintaan hadii cudurka Corona uu ku dhaco.

Somaliska Stockholm

Source/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here