Home Wararka Maanta Maxkamad ku taalla Germalka oo joojisay Xanibaad saarneyd Aadaanka Salaada

Maxkamad ku taalla Germalka oo joojisay Xanibaad saarneyd Aadaanka Salaada

0

aadaanka salaadda ayaa la mamnuucay ka dib markii lamaane Masiixiyiin ah ay ka cawdeen aadaanka salaada kuna sheegeen in xuriyadooda saaalada farogalisay. Maxkamaddu waxay xukuntay in baaqa salaadda uusan ku xadgudbin xuquuqda kuwa maqlay.

Maxkamad ku taal magaalada galbeedka Jarmalka ku taal ee Münster ayaa Arbacadii xukuntay in masaajid maxalli ah loo oggol yahay aadaanka salaadda Jimcaha. Waxay daba socotaa codsi ka yimid magaalada Oer-Erkenschwick oo ka dhan ah go’aankii hore ee loogala noqday rukhsadda masaajidka .

“Bulsho kastaa waa inay aqbasho in qofku mararka qaar ka warqabo in kuwa kale ay ku dhaqmaan caqiidadooda,” ayay tiri garsooraha maxkamadda Annette Kleinschnittger.

Go’aan maxkamadeed hore ayaa lagu amrey masaajidka inuu joojiyo aadaanka toddobaadlaha ah ee salaadda sanadka 2018 ka dib markii lamaane masiixi ah oo maxalli ah, oo deggan meel masaafo fog u jirta masaajidka, ay sameeyeen cabasho, iyagoo ku baaqaya xorriyadda diintooda ee ah inaysan ka qaybgalin salaadda ama xuquuqda.

Maxkamadda Münster waxay ogaatay in qayb ka mid ah sharciyada ku saabsan xorriyadda diinta oo si isku mid ah loogu magacaabay “xorriyadda diinta ee xun” aan cidna xaq u siinaynin in laga ilaaliyo soo-gaadhista kooxaha kale iimaankooda, laakiin ay tahay inay ka ilaaliso dadka inay noqdaan kuwa lagu qasbay inay kaqeybqaataan diintaasi.

Somaliska Berlin

Xigasho/DW

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here