Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay mudada uu qofka ku shaqeyn karo guriga

Sweden oo kordhisay mudada uu qofka ku shaqeyn karo guriga

0
Foto: Fotograferna Holmberg / TT

 Dowlada Sweden ayaa kordhisay mudada uu qofka ku shaqeyn karo gurigiisa illaa iyo Sebtember 15keeda. Sida uu soo xigtay TT.

dowladda ayaa hay’adaha loo xilsaaray dhamaadka sanadkii hore in ay qaadaan tallaabooyin si ay u sameeyaan in qofka shaqaalaha uu ku shaqeyn karo guriga taasi oo ku ekeyd ilaa 1 june lakin dowlada waxay maanta shaacisay in la kordhiyay mudadaasi.

Wasiirka arrimaha bulshada, Lina, ayaa ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay, in “faafitaanka infekshinka iyo culeyska dhanka caafimaadka ah uu weli sarreeyo, dowladduna waxay aaminsan tahay in loo baahan yahay in muddada loo kordhiyo xilliga kuleylaha. Isla mar ahaantaana, waxaa muhiim ah in hay’aduhu ay awood u yeeshaan joogteynta xiriirka muwaadiniinta iyo adeegyada dalka oo dhan.

Marka loo eego waajibaadka, hay’adaha rasmiga ah waxaa waajib ku ah inay shaqaalaha oo dhan ku shaqeeyaan guriga marka laga reebo kuwa joogitaankooda looga baahan yahay goobta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here