Home Wararka Maanta Siyaasiyiinta Sweden ” Dad ka badan 3,000 kun ayaa ku tukaday Banaanka...

Siyaasiyiinta Sweden ” Dad ka badan 3,000 kun ayaa ku tukaday Banaanka Tensta iyadoo Xaalad adag lagu jiro ”

0

Sweden waxaa ka jira xaalada Corona iyo Xayiraadaha lagu soo rogay dadka isku imaan jiray goobaha banaanka iyo gudaha intuba lakin shalay oo ku beegneyd maalinta Ciida Muslimiinta waxaa banaanka Xaafada Tensta ku tukaday in ka badan 3,000 kun oo qof.

Dadka oo iskugu jira Rag iyo Haweeyn ayaa banaanka xaafada tensta ku oogay salaada Ciida lakin dhacdadaasi waxaa durba dhaliilay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Sweden.

Siyaasiyiinta ayaa barahooda bulshada sida Twitterka ku soo qoray sida tiro intaasi ka badan ay goob iskugu imaan karaan iyadoo lagu jiro xaalada Corona oo ah mid aad u qatar ah.

Qaar kamid ah Culumada Somaliyed ayaa horay uga digay in aan la tagin goobtaasi iyadoo la ilaalinayo xaalada iyo sharciyada ka jira wadanka.

ma jiro go’an dowlada kasoo baxay oo ku aadan sida salaada loogu tukaday ama loogu tukado halkaasi oo ah goob banaan.

ugu danbeyn Xaalada Corona ee wadanka ayaa hoos u dhacday dhanka dhimashada waxana dowlada ay fileysaa in bisha june la fududeeyo qaar kamid ah sharciyada ka jira wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here