Home Wararka Caalamka Saddex gantaal oo lagu weeraray Israel ( Wararka ugu danbeeyay )

Saddex gantaal oo lagu weeraray Israel ( Wararka ugu danbeeyay )

0

Saddex gantaal ayaa oo laga soo tuuray ayaa ku dhacay Lubnaan dhanka waqooyiga Israa’iil maanta laakiin waxay ku dhaceen badda Mediterranean-ka, iyaga oo aan geysan wax qasaaro ama dhaawac ah, militariga Israa’iil ayaa sidaas yidhi.

Ilo amniga Lubnaan ka tirsan ayaa sheegay in gantaalada laga soo tuuray gobolka Qlaileh, oo koonfurta ka xiga magaalo xeebeedka Tire, ee koonfurta Lubnaan.

Israa’iil iyo mintidiinta Falastiiniyiinta ee Marinka Qaza ayaa toddobaadkan dagaal u dhaxeeya waana dagaalladoodii ugu xumaa muddo sanado ah.

Dhacdadii ugu dambeysay uma muuqan inay muujineyso xaalad dagan.

Israa’iil waxay dagaal 2006 la gashay jabhadda Xisbullah, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan . Xudduudka ayaa inta badan xasiloonaa wixii markaa ka dambeeyay.

Dhinacyada Falastiiniyiinta ee Lubnaan ayaa si teel teel ah rasaas ugu soo tuuray Israa’iil.

Qof goobjooge ah oo ku sugan magaalada dekedda leh ee waqooyiga Israel ku taal ee Haifa ayaa sheegtay inay maqashay saddex qarax waxyar ka hor inta aan la soo sheegin gantaalka la ridayay.

Ma jirin seeriyayaal ka digaya in gataalo lagu soo tuuray israel kuwaasi oo ka yimid dhanka lubnaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here