Home Wararka Maanta Sweden oo iska xireysa Safarada uga imaanaya dhanka Wadanka Ingariiska

Sweden oo iska xireysa Safarada uga imaanaya dhanka Wadanka Ingariiska

0

Sweden ayaa hada ku biiraysa safka wadamada xiraya Safarada uga imaanaya UK. Sida uu xaqiijiyay SVT wasiirka arrimaha gudaha Mikael Damberg :

– Waxaan diyaarineynaa xayiraad soo galitaanka socdaalka ka socda Boqortooyada Midowday. Waa in sida ugu dhakhsaha badan loo codsadaa, ayuu yidhi Damberg.

Go’aanka rasmiga ah ayaana bilaabanaya wixii ka danbeeya isniinta.

Tiro aad u badan oo ka mid ah dalalka kale ee Yurub ayaa qaaday tallaabooyin la mid ah , oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga. Hase yeeshe, ma jiro go’aan Denmark ah oo ku saabsan in la xirayo soo galootiga ka imanaya Boqortooyada Midowday.

Uk ayaa dhawaan ku dhawaaqday in wadankeeda laga helay nuuc kamid ah Corona kaasi ka xaweere sareeya dhanka fiditaanka nuucyada kale ee Corona kuwaasi oo horay u jiray.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here