Home Wararka Caalamka Germalka oo ku biiray Wadamada iska xiraya Safarada uga imaanaya UK

Germalka oo ku biiray Wadamada iska xiraya Safarada uga imaanaya UK

0

Garmalka ayaa joojin doona dhamaan duulimaadyada ka yimaada UK iyo Koonfur Afrika laga bilaabo saqda dhexe ee Axada.

Wadamadan ayaa laga helay nooc cusub oo ka mid ah cudurka faafa ee coronavirus Sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Jarmalka, Jens Spahn, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

– Ma aanan helin (isbeddellada,.) gudaha Garmalka. Laakiin dabcan si dhab ah ayaan u qaadaneynaa macluumaadka ka imanaya Boqortooyada Ingiriiska, ayuu yidhi Spahn.

Sida laga soo xigtay wargayska Bild , Chancellor Angela Merkel waxay xiriir la samaysay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo isagu laftiisu wakhtigan xaadirka ah uu saameeyay covid-19 isla markaana uu ku go’doomay guriga madaxweynaha.

 Waxaa sidoo kale la filayaa in soo galitaanka UK laga xiri doono tunnelka iyo dekedaha bilowga usbuuca soo socda.

Xaalada Dalka Ingariiska ayaa ah mid cakiran kadib markii lagu dhawaaqay Corona Cusub oo sameyn xoogan leh.

Somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here