Home News in English Sweden oo Diyaarineysa Sharci Cusub oo Magdhow lagu siinayo kuwa dhibaatada kala...

Sweden oo Diyaarineysa Sharci Cusub oo Magdhow lagu siinayo kuwa dhibaatada kala kulmay Talaalka

0
Photo: Pontus Lundahl / TT

Dowlada Sweden ayaa diyaarineysa Sharci Cusub oo dhigaya in magdhow la siiyo kuwa dhibaatada kala kulmay Talaalka ay ku qaateen Dalka Sweden.

Sharcigan Cusub ayaa dhigaya in dowlada ay bixiso Magdhow hadii qofka uu wax ku noqdo talaalka ay dowlada Ansixisay.

Wasiirada Arimaha Bulshada Sweden lena hallengren oo arintan ka hadashey kadib shir jaraa’id oo maanta qabatay ayay ku cadeesay in Dowlada ay qaadeyso masuuliyada Qofkii wax ku noqda talaalka.

Hindisaha hadii uu noqdo sharci Waxay dowlada qorsheeneysa in uu bilowdo bisha December ee dhamaadka sanadkan.

tan iyo markii uu bilowday talaalka Corona waxaa jiray shaku ku aadan in waxyeelo ka dhalato Talaalka sida dhiig xinjirowga oo dadka qaar lagu arkay marka ay talaalka ay qaateen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here