Home News in English Sharci Cusub: Demmark oo Dhaqan galisay Sharci dhigaya in Ajaanibta Qasab ku...

Sharci Cusub: Demmark oo Dhaqan galisay Sharci dhigaya in Ajaanibta Qasab ku shaqeeeyaan

0
Photo: Mads Claus Rasmussen / Ritzau Scanpix / NTB

Qaar kamid ah dadka soo-galootiga ah ee ku nool dalka Denmark ayaa looga baahan yahay in todobaadkii ay shaqeeyaan 37 saacadood si ay u helaan lacagta ceyrta ah ee ay dowladdu bixiso.

Sharciga cusub ayaa khuseysa dadka ceyrta qaadanayay muddo saddex ama afar sano ah, isla markaana aan si wanaagsan u baran luuqadda Danish-ka.

Ra’iisal wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in sharciga loola jeedo dumarka “aan reer Galbeedka ahayn” ee ku nool ceyrta.

Sanadihii la soo dhaafay, Denmark ayaa adkeysay siyaasadaheeda ku aaddan muhaajiriinta.

Waxa uu hadda dalkaas kamid yahay kuwa ugu sharci adag Yurub, waxaana uu beegsanayaa in mustaqbalka aanu qaabilin wax muhaajiriin ah.

Dowladda Denmark ayaa sheegay in qorshaha cusub looga gol leeyahay in soo-galootida ay qeyb ka noqdaan bulshada dalkaas, hase yeeshee waxaa jira dad ku doodaya in sharciga cusub aanu cadaallad ahayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here