Home Wararka Caalamka Dowlada Faransiiska oo labo sano ka yar Dhalashada ku siisay Dad badan...

Dowlada Faransiiska oo labo sano ka yar Dhalashada ku siisay Dad badan oo Ajaanib ah

0

Dowlada Faransiiska ayaa maanta Shaacisay in ay dhalashada wadanka ay siisay 12,000 kun oo Qof oo Ajaanib ah sida uu shaaciyay Talafashinka France 24.

Dadkan ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay Dagaalka lagula jiray Xanuunka Corona ee wadanka ka dilaacay waxana Bayaan kasoo baxay Dowlada lagu wargaliyay in ay dalban karaan Dhalashada wadanka.

Faransiiska ayaa dhalashada wadanka ku bixiya mudo shan sano ah lakin talaabadan waxaa ku helay dad wadanka ku sugnaa mudo labo sano ah.

Sida uu ku warramayo f24 dowlada ayaa dhalashada wadanka waxay siisay 61,000 kun oo Qof sanadkan.

Faransiiska ayaa kamid ah wadamada sida aadka u caawiyay Qaxootiga gaar ahaan in kuwa somalida qaar uu ka Cafiyay Faraha inkastoo dhibka ugu badan ay tahay in Qofka marka hore uu dabaro noloshiisa.

Somaliska Paris.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here