Home Wararka Denmark Denmark oo si rasmi ah u Furtay Dalkeeda, Waana Dalkii u Horeeyay...

Denmark oo si rasmi ah u Furtay Dalkeeda, Waana Dalkii u Horeeyay ee Yurub oo sidaasi Sameeya

0

Dowlada Denmar ayaa maanta ku dhawaaqday in ay Dalkeeda Ka qaaday Xayiraadaha saarnaa guud ahaan sida uu Baahiyay Talafashinka TV2 ee Dalka Denmark.

Dowlada ayaa si rasmi ah u Furtay guud ahaan wadanka sida Goobaha Maqaayadaha ee Xiliga Habeenki iyo waliba meelaha muhiimka ah ee wadanka oo Xayiraado saarnaa.

Sida ay sheegtay Raisal Wasaaraha Denmark furitaanka Xayiraadaha ayaa ka dambeesay markii si dhameestiran Talaalka u qaateen badi Dadka ku nool Dalka.

Waxaa jirta Hal Sharuud oo ku aadan Qof booqanaya meelaha qaar taasi oo ah in uu heesto Kaarka Talaalka oo Muujinaya in uu qaatay Talaalka.

Denmark ayaa horay u qaaday Qaar kamid ah Xayiraadaha wadanka lakin markan waxay furtay guud ahaan wadanka.

Somaliska Copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here