Home Wararka Maanta Sweden oo diiwaangalisay 26 Qof oo u dhimatay Xanuunka Coronavirus

Sweden oo diiwaangalisay 26 Qof oo u dhimatay Xanuunka Coronavirus

0

Dowlada Sweden ayaa maanta diiwaangalisay 26 qof oo u dhimatay Xanuunka Corona taasi oo tirada guud ee Dadka u dhintay xanuunka ka dhigeysa 5,619 qof sidoo kale waxaa 24 saac ee lasoo dhaafay xanuunka qaaday 404 qof iyadoo tirada guud ka dhigeysa 77,281 qof marka la eego dadka qaaday xanuunka.

Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ayaa warbaahinta u sheegtay in xanuunka uu wali jiro lakin marba marka ka danbeyso uu sii yaraanayo.

Shalay ayayna aheyd markii Hay’ada Caafimaadka ay soo saartay in isbadal cusub lagu sameeyo dhanka gaadiidka dadweynaha madama dhawaan la furayo iskuulada waxbarashada.

isbadalka ayaana salka ku haya cabsi laga qabo ciriiriga ka imaan kara xiliga hore oo ardayda iyo shaqaalaha ay mar qura ay raaci karaan Basaska iyo tareenada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here