Home Wararka Maanta Shamima oo loo ogolaaday in ay dib ugu laabato Dalka UK

Shamima oo loo ogolaaday in ay dib ugu laabato Dalka UK

0

Gabadhan 20 jirka ah ee taageerta IS Shamima Begum ayaa xaq u yeelatay inay dib ugu laabato waddankeedii hore ee Ingiriiska isla markaana ay isla meesha ka saartay go’aankii waaxda Arimaha dibada ee ay kala laabatay jinsiyadeedii Ingiriiska. Waxana arintaasi go’aamiyay maxkamadda racfaanka.

Maxkamaddu waxay farta ku fiiqday in Shamima Begum aan la siinin fursad sharci ah oo caddaalad ah si ay u keento Ficil ay kaga soo tageyso xaaladda qaxootiga Suuriya ee ay ku sugan tahay. Xafiiska Arimaha Gudaha ee Boqortooyada Midowday ayaa sheegay in tani ay tahay wax laga xumaado iskuna dayayaan in ay Racfaan ka qaataan

Begum ayaa kamid ah shakhsiyad badan oo ka tegey dalalkoodii hooyo si ay u taageeraan ururka argagixisada. Begum waxay jirtay 15 sano markii ay ku biirtay kooxdaasi.

Dowlada Uk ayaa Sharciga ka ceshatay dhalinyaro badan oo Dalkaasi ku dhashay kuwaasi oo tagay wadamo ay kamid yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Somaliska Uk

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here