Home News in English Sweden oo diideysa Dalabka Madaxweyne Erdogan ee Muwaadiniinta Turkiga

Sweden oo diideysa Dalabka Madaxweyne Erdogan ee Muwaadiniinta Turkiga

0
Foto:Leo Sellén/TT

Ilaha uu helay wargeyska Aftonbladet ayaa sheegaya in dowladda Sweden ay diidi doonto codsiga Turkiga ee ah in 7 muwaadiniinteeda ah loo soo gacan geliyo, taasoo ka mid ah shuruudaha ay Ankara ku xidhay Stockholm si ay u aqbasho xubinimada NATO.

Dowladda Turkiga ayaa hadda la tacaaleysa 7 codsi oo ka yimid Turkiga oo ku saabsan in muwaadiniinta Turkiga ah, oo u badan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Gülen, oo ka mid ah ilaa 20 qof oo Turkiga uu doonayo inuu u soo gacan geliyo.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, waxaa hadda miiska dowladda saaran toddobo kiis, kuwaas oo ah dad uu Turkigu u aqoonsaday argagixiso, ama xiriir la leh argagixisada.

Sida laga soo xigtay Aftonbladet, inta badan waxaa lagu eedeeyay inay taageersan yihiin dhaqdhaqaaqa loogu yeero Gulen, oo Erdogan uu aaminsan yahay inay ka dambeeyeen afgambigii millatari ee dhicisoobay ee 2016. Erdogan ayaa ka dalbaday Sweden inay joojiso dhaqdhaqaaqa oo ay xirto warbaahinta xiriirka la leh.

Sidoo kale todobada qof waxaa ka mid ah qof ay Turkigu u arkaan inuu xiriir la leeyahay xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here