Home Wararka Caalamka Ruushka oo dhoolatus milateri oo waaweyn ka bilaabay badda Baltic

Ruushka oo dhoolatus milateri oo waaweyn ka bilaabay badda Baltic

0
(Russian Defense Ministry Press Service via AP) TT

 Ruushka ayaa dhoolatus ciidan oo waaweyn ka bilaabay gobolka badda Baltic-ga Khamiistii.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in maraakiibta Ruushka ee Baltic Fleet ay sameyn doonaan dhoolatus “si ay u difaacaan marinnada badda iyo saldhigyada aag muhiimad istiraatiiji ah leh”.

Wakaalada wararka Sweden oo soo xiganeysa warbaahinta ayaa sheegtay in 60-markab iyo 40 diyaaradood ay ka qeyb qaadanayaan dhaq dhaqaaqyadaan,kuwaasi oo sidoo kale ka socda dhulka gobolka Kaliningrad ee dalka Ruushka.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyada Baltops, oo ay ka qayb qaadanayaan 16 waddan oo ay ku jiraan Sweden iyo Ururka NATO ee Waqooyiga Atlantic.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here