Home Wararka Caalamka Baarlamaanka Sweden oo ansixiyay in la sameeyo guddi baaritaan ku sameeya shaqaaqadii...

Baarlamaanka Sweden oo ansixiyay in la sameeyo guddi baaritaan ku sameeya shaqaaqadii dhacday Easter-kii

0

Baarlamaanka Sweden ayaa ansixiyay in la sameeyo guddi baaritaan ku sameeya shaqaaqooyinkii ka dhacay ciidii Easter-ka ee la soo dhaafay, taasoo ka dhalatay gubista kitaabka qur’aanka kariimka ah, oo ay geysteen xagjiriinta garabka midig. Rasmus Paludan .

Arintan ayaa timid kadib markii ay cadaatay in isbedel uu ku yimid mawqifkii xisbiga Socialdemokraterna ee ku aadanaa dhismaha gudigan, iyadoo dhamaan xisbiyada ku jira gudiga cadaalada ee baarlamaanka Sweden ay isku raaceen maanta oo Khamiis ah in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso gudigan.

Sababta arrintan ayaa la xiriirta baaritaan ay sameysay Idaacadda Echot, muddo ka hor, taasoo muujineysa jiritaanka warar sirdoon oo Booliska uga digayay in xubnahaas ay la kulmaan rabshado culus inta lagu guda jiro fasaxa Easter-ka, taasoo ah xogta Taliyaha Booliska Qaranka.

Intii lagu guda jiray fasaxii ugu dambeeyay ee Easter-ka, Sweden waxaa ka dhacay rabshado dhowr ah oo ka dhacay magaalooyin badan, kuwaas oo lagu dhaawacay tobanaan boolis ah, waxaana la burburiyay gawaari ay leeyihiin booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here