Home News in English Moderaterna: Sweden Waxaa ka Mamnuuceynaa Guurka ilmo Adeerka

Moderaterna: Sweden Waxaa ka Mamnuuceynaa Guurka ilmo Adeerka

0

 Xisbiga M ayaa dalbaday baaritaan dowladeed si loo darso suurtagalnimada mamnuucida guurka ilma adeer iyo qaraabada Sweden, taasoo qeyb ka ah soo jeedintooda la dagaalanka waxa ay ugu yeereen “dhaqanka sharafta”,  lana yareeyo guurka qasabka ah ee haweenka.

Gudoomiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristershon oo waraysi siinayay idaacada Sweden ayaa sheegay in mamnuucida guurka Qaraabada uu wax ku ool u noqon karo la dagaalanka dhaqanka xun iyo dambiyada ku salaysan qabiilka.

“Haddii aan eegno qaabka ay u dhisan yihiin kooxaha dambiilayaasha ah, waxay ku xiran tahay inta badan qoysaska is-guursada,” ayuu raaciyay.

Labada xisbi ee Libaraalka iyo Sverigedemokraterna (SD) ayaa dabada ka riixaya in la mamnuuco guurka. S ayaa taageersan mamnuucida, laakiin marka laga reebo qaar ka mid ah.

Dawladdu waxay ka soo horjeedaa mamnuucida guurka Qaraabada. Wasiirka cadaalada iyo arimaha gudaha Morgan Johansson ayaa horay u sheegay in uu aaminsanyahay in tani aysan noqon doonin hab wax ku ool ah oo lagula dagaalamo “dhaqanka sharafta”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here