Home News in English Rabshadaha Dilalka ee Sweden oo gaaray Halkii ugu Sareesay

Rabshadaha Dilalka ee Sweden oo gaaray Halkii ugu Sareesay

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa sheegaya in rabshadaha hubeysan ay gaareen heerkii ugu xumaa sanadkan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaalada wararka Sweden ee TT.

Madaxda sirdoonka ee dalka ayaa ku tilmaamay xaaladdu mid halis ah, iyadoo in ka badan 20 burcad ah ay halis sare ugu jiraan rabshado cusub.

In ka badan 30 qof ayaa lagu toogtay gudaha Sweden January ilaa May, taasoo u dhiganta 17 isla muddadaas sannadkii hore.

Dhowr madax oo sirdoon ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay dambiilayaasha da’da yar iyo nooca cusub ee rabshadaha la isticmaalay.

Waxaan muddo dheer ku aragnay toogashooyin aad u sarreeya oo ka dhacayay deegaannadan, laakiin waxaan dareemayaa in ujeeddada dilka ay sii badanayso, xitaa haddii aysan mar walba guulaysan, ” Per Lundback, oo ah madaxa sirdoonka ee gobolka Bergslagen, ayaa u sheegay wakaalada wararka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here