Home Wararka Maanta Sweden oo dib ugu soo celisay Dalka Gabar 14 sano jir oo...

Sweden oo dib ugu soo celisay Dalka Gabar 14 sano jir oo guur loogu waday Dalka Ciraaq

0

Bishii Diseembar ee sanadkii hore aabe Ciraaqi ah ayaa ula safray xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood Ciraaq. Wuxuu qorsheeyey inuu gabadhiisa u soo guuriyo

Gabdhahan ayaa jira da’da 14 iyo 16 sano. Iyaga iyo hooyadoodba waxaa dhibaato kasoo gaartay dil uu u geestay Aabahood markii ay tageen Dalka Ciraaq.

Laakiin iyaga oo kaashanaya mas’uuliyiinta Dowlada Iswidhishka waxay u suurtagashay in ay dib ugu soo laabtaan Sweden.

Hadda waxay ku nool yihiin cinwaan qarsoodi ah. Gabdhaha ayaa sidoo kale la siiyay xayiraad ku meel gaar ah oo ku saabsan safarka iyo Basaboorkooda. sidaasi darteed cidna uma safrin karto dalka dibadiisa

Waa sharci cusub oo u ogolaanaya masuuliinta Dowlada inay dadka siiyaan mamnuucida noocaas ah.

– Mamnuucistu waxay naga caawinaysaa inaan ilaalino carruurtan

Sidaas waxaa yiri Per Sandberg oo ka mid ah maamulayaasha degmada Växjö.

Dhowr jeer oo hore ayey dhacday in carruurta Iswiidhan loo qaado dalal kale. Intii u dhexeysay bilihii Juun iyo Sebtember ee sannadkan oo keliya, 41 carruur ah ayaa la kaxeeyay

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here