Home Wararka Maanta Hay’ada UDI oo soo bandhigtay tirada Qaxootiga Norway iska dhiibay Sanadkan iyo...

Hay’ada UDI oo soo bandhigtay tirada Qaxootiga Norway iska dhiibay Sanadkan iyo kuwa la filayo sanadka danbe

0

Agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI ayaa qorsheyneysa in 1500 oo magangalyo doon ah ay soo galaan Norwey sanadkan. sidoo kalena ay rajeyneyaan 3,000 magangalyo doon sanadka danbe.

“Sanadka 2020, qaxootiga waxaa lagu qiyaasayay inay gaarayaan ilaa 2500 oo magangalyo doon ah, lakin tiradaasi ayaa hoos u dhacday.

Ilaa iyo sanadkaan waxaa Norway soo galay kudhawaad ​​1,200 oo magangalyo doon ah. 

Qiyaastii saddex meelood meel codsadayaashu waxay ka yimaadeen Suuriya, halka ku dhowaad 200 ay ka yimaadeen Ereteriya iyo Turkiga. 

Kuwa kale waxay ka kala yimaadeen in ka badan 70 waddan oo kala duwan.

Bishii ugu sarreysey waxay ahayd Janaayo, oo ay heleen magangalyo-doon 226 ah. 

Tirada ayaa hoos u dhacday kaliya 35 bishii Abriil ka dib markii cudurka faafa ee coronavirus uu ku dhuftay dalka. 

Kadib tiradaasi ayaa kor u kacday 132 bishii Luulyo ka dibna 207 bishii Ogos, kuwasi oo ka saro maray sida ay  fileysay UDI.

“Sanadka 2021, tirada macquulka waxaa lagu qiyaasayaa inta udhaxeysa 1,000 ilaa 7,000 oo magangalyo doon ah, oo leh qorshe lakin 3,000,” ayay UDI sheegtay.

Somaliska Oslo

Xigasho/ nortay today

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here